Daafaca Barcelona Gerard Piqué ayaa waxaa u sacbiyay inta badan taageerayaasha xulka Spain ee soo xaadiray garoonka Santiago Bernabeu kulankii xalayto ee isreebreebka Koobka Adduunka ay la ciyaarayeen Italy, waxaana ay taasi jawaab u aheyd taageerayaal tiro yar oo ku fooriyay ciyaaryahanka.

Pique oo la qabsaday inuu foori iyo oorin kala kulmo garoomada Spain marka uu u ciyaarayo xulka qaranka ayaa xalayto jawi kaas ka duwan kala kulmay garoonka Bernabeu.

Ka hor ciyaarta dhowr ciyaartoy oo Isbaanish ah oo ay ku jiraan Sergio Ramos iyo Dani Carvajal ayaa ka baryay taageerayaasha inaysan ku oorinin Pique, waxaana ay u muuqatay in fariintooda la aqbalay iyadoo garoonka looga sacbiyay markii codbaahiyaha laga yeeriyay magaciisa ciyaarta ka hor.

 

 

Si kastaba, taabashadii ugu horeysay ee kubada ee Pique waxa ay keentay in dhowr ka mid ah jamaahiirta Spain inay ku fooriyaan, laakiin waxa ay durbabadiiba la kulmeen inta badan garoonka loogu heesay magaciisa “Piqué, Piqué!!”.