Tababaraha Jose Mourinho ayaa hore u sheegay in Ibrahimovic uusan fursad u laheyn inuu qeyb ka ciyaaro xilli ciyaareedka wareega group-yada ee Man United, islamarkaana uusan taam noqon doonin ilaa qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.”Uma maleynayo in Zlatan uu ciyaari doono ” ayuu yiri Mourinho.

Jose Mourinho ayaa soo jeediyay in Zlatan Ibrahimovic uusan taam noqon doonin ilaa qeybta labaad ee xilli ciyaareedka”Uma maleynayo inay jirto wax fursad ah.”Waxaan rajeyneynaa inuu ka ciyaari karo wajiga knockout, lakiin waxaan u baahanahay inaan dhameysto laba sanno.”

Ibrahimovic ayaa dhaliyay 28-gool xilli ciyaareedkii hore – markii ugu horeysay ee England uu ku guuleysto, iyadoo United ay ku guuleysatay Carabao Cup iyo Europa League, oo u soo baxday tartanka Champions League.

United ayaa xaqiijisay inay u soo baxday Champions League markii ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Europa League

United ayaa xaqiijisay inay u soo baxday Champions League markii ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Europa League

United ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedkeedii Champions League markii ay gurigeeda ku ciyaartay Basel 12kii September ka hor inta aysan u safrin CSKA Moscow 27kii September iyo Benfica 18kii October.

Waxa ay Benfica ku martigelinayaan Old Trafford 31ka October ka hor inta aysan u safrin Basel 22ka November, iyagoo ku dhameysatay kulan ay gurigooda kula ciyaarayaan CSKA 5 December.