Riyad Mahrez ayaa ku guuldareystay maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda inuu ka baxo kooxdiisa inkatoo fasax laga soo siiyay xerada tababarka xulkiisa qaranka Algeria kuwaas oo isku diyaarinayay safar ay ku aadayeen Zambia.

26-jirka heerka caalami wuxuu damacsanaa inuu ka guuro King Power Stadium, balse wuu ku hungoobay inuu ka dhaqaajiyo madama aysan Foxes helin wax dalab cusub oo ku aadan xidigooda, balse warbaahinta Ingiriiska ayaa soo ogaaday halka uu xidigaan daneynayay inuu caga-dhigto.

Starsport  ayaa loo sheegay in wakiilada xidiga reer Algeria ay ka shaqeynayeen sidii uu xidigaan uga hoso ciyaari lahaa Jose Mourinho kaas oo isna hal xidig oo garabka ka hawlgala ka raadinayay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.