Labada kooxood ayaa fadhiya Afarta ugu sareysa ee Kala Sareynta Premier Leauge ka dib markii ay 7 dhibcood ka heleen seddex kulan oo ay ciyaareen, laakiin City ayaa wali raadineysa guusheedii ugu horeysay ee gurigeeda ku gaadho  kadib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen Everton.

Dhinaca kale  Liverpool ayaa badisay labadii kulan ee ay gurigooda ku ciyaareen – oo ay ku jirto 4-0 oo ay Arsenal ku garaacday , halka ay barbaro la gashay Ciyaartii Furitaanka Premier League Watford .

Labada Tababare ayaa mid kastaa raadinaya in uu badiyo Ciyaarta Sabtida kadibna uu hogaanka u qabto Premier League inta ayna ciyaarin Manchester United oo haysa Hogaanka.

 

 

 

Dhaawaca keliya ee shaki ka qabto Manchester City ayaa weli ah Ilkay Gundogain, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu waqti badan ku qaadanayo inuu taam u noqdo ka dib markii uu dhaawac jilibka ka soo gaaray xilli ciyaareedkii hore. Klopp ayaa xaqiijiyay in halka Philippe Coutinho uu weli u ciyaari karo Liverpool xilli ciyaareedkan .

line-upka Macquulka ah ee Labada kooxood :

Man City :Ederson, Walker, Kompany, Otamendi, Mendy, De Bruyne, Fernandinho, Silva, Bernardo Silva, Jesus, Sterling

Liverpool: Mignolet, Oxlade-Chamberlain, Matip, Lovren, Moreno, Can, Henderson, Wijnaldum, Salah, Firmino, Mane