Arsene Wenger ayaa cadeeyey in Mbappe uu sanadkii hore ku dhawaaday in uu ku Biiro Arsenal, Isagoo Wenger sheegay in uu isku dayey da’yarkan reer France in uu ku qanciyo in uu ku soo biro Arsenal inta aanu amaahda ugu dhaqaaqin PSG.

Mbappe, ayaa dhaliyay 26 gool iyadoo xilli ciyaareedkii hore loogu caleemo saaray Kooxda Monaco horyaalka Faransiiska, xilli ciyaareedkan si amaah ah ugu ciyaari doona PSG ka hor inta uusan si joogta ah ugu dhaqaaqin 165 milyan ginni xagaaga soo aadan.

18 jirkaan ayaa qirtay arbacadii inuu wadahadalo kula jiray xagaagii hore Emirates ka hor inta uusan u wareegin PSG.

Mbappe ayaa dhameystiri doona heshiis joogto ah oo ku kacaya 165 milyan oo gini oo PSG ah xagaaga soo aadan.

Kooratoday.com