Shabakada Sports Direct oo ah Shabakada ugu weyn dalka Ingiriiska ee ka faaloota iibka agabka kala duwan ee kubada cagta ayaa soo saartay liiska ciyaartoyda aduunka ee maaliyadooda loogu iibsiga badan yahay UK .

Manchester United ayaa hogaanka u heysa liiskan sida lagu sheegay warbixinta Sports direct, iyadoo xiddigaha   Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Neymar aysan awoodin inay udhowaan xiddigahooda ugu sareysa.

Xiddigaha Man Utd Paul Pogba iyo Romelu Lukaku ayaa hogaaminaya, iyadoo saaxiibkooda kooxda Marcus Rashford uu cidhiidhsaday shanta  ugu sareysa. Eden Hazard oo Chelsea ah ayaa kaalinta seddaxaad ka galay halka ciyaartoyga rikoodhka suuqa Arsenal ugu sareeya Alexandre Lacazette uu kaalinta afaraad galay.

Lionel Messi ayaa ah ciyaartoyga keliya ee aan ka ciyaarin Premier League ee soo galay kaalinta 8aad , iyadoo Cristiano Ronaldo iyo Neymar ay kala galeen kaalmaha 15aad iyo 18aad ee Liiskan.

Liiska oo dhamaystiran halkan ka akhri:-