Kooxaha Premeir League iyo kuwan aduunka ayaa ku tartamaya saxiixyada laacibiinta ugu qaalisan dunida iyadoo koox weliba ay rabto in ay xoojiso shaxdeeda xilli ciyaareedka 2017-2018

Hadaba halkan waxaan idiinku haynaa wararkii u dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo wixii ay ka qoreen wargeysyadu .

 

SUN ON SUNDAY

Pep Guardiola ayaa isha ku haya Toby Alderweireld isagoo bedel u noqonaya Vincent Kompany.

Diego Costa oo ku laabanaya Atletico Madrid ayaa laga yaabaa inuu sii dhowaanayo iyadoo wararka sheegayan in kooxda reer Spain ay wafdi u dirtay London si ay heshiis ula gasho Chelsea.

 

 

 

Arseanl ayaa weli xiiso u qabta in ay la soo saxiixato Raheem Sterling .

 

 

 

Alexis Sanchez ayaa qandaraaskiisa uu ku dhacay Manchester City, waxaana lagu soo waramayaa in Goolhayaha reer Chile Claudio Bravo uu shaaca ka qaaday.

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay Arsenal kula dagaalanto saxiixa xiddiga Monaco ee lagu qiimeeyo 92 milyan ginni Thomas Lemar bisha January.

Juventus Oo dooneysa in ay Liverpool kula dagaalanto Virgil van Dijk. kooxda talyaaniga ah ayaa qorsheyneysa inay bisha janaayo u dhaqaaqdo xiddiga southampton.