Manchester United oo £100 Pound ku doonaysa Greizmann , No.7 ayaa loo qorsheeyey in uu xidho.

0
30

 

Ciyaaryahanka Atletico Madrid Antonie Greizmann  ayaa weli ku jira liiska ciyaartoyda United ay ugu talo gashayin ay ku xoojiso shaxda kooxda .

kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa qorsheynaysa in ay £100 Pound kula wareegto xiddigan .

Weeraryahanka Faransiiska, oo 26 sanno jir ah, ayaa doorbiday inuu kalsooni ku qabo kooxda La Liga xagaaga ka dib markii uu diirada u saarnaa United.

United ayaan u qoondeynin lambarkooda No.7  ciyaaryahan kasta xilli ciyaareedkan.iyagoo rajo ka qaba saxeexa Greizmann.

Waa shaati ay kooxdu u aragto inay leedahay qiimo lacageed, sidoo kale, waxaa ka mid ah xiddigaha Old Trafford ku dheelay numberkan  halyeeyada George Best, Bryan Robson, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.