Champions League waa uu soo laabtay – waxaan kuu soo bandhignay wax walba oo aad u baahan tahay si aad u ogaato ka hor xilli ciyaareedka 2017/18.

Halkan hoose waxaan idinku soo bandhigaynaa wax walba oo ku saabsan heerka Groupyada ee Champions League .

GROUP STAGE:

Group A: Benfica, Man United, Basel, CSKA Moscow

  1. Markii ugu danbeysay ee Man Utd ay ku jirtay Group CL oo ay la ciyaarayeen FC Basel, waxaa lagu reebay marxaladdaan (2011/12).
  2. Jose Mourinho ayaa laga badiyay kaliya hal kulan todobadii kulan ee ugu dambeysay oo uu la ciyaaray Benfica isagoo tababare ah (W4 D2 L1).

Group B: Bayern Munich, PSG, Anderlecht, Celtic

Labada koox ee hore ugu guuleystay Horyaalka Yurub ayaa hal kulan kaliya ku kulmay tartamada yurub; marxaladii wareegga group-yada ee xilli ciyaareedkii 2003-04 ee Champions League – Bayern lama badinin (W1 D1).

Group C: Chelsea, Atletico Madrid, Roma, Qarabag

Chelsea ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ay ka horyimaadeen Atletico Madrid tartamada Yurub (D2 L2), iyo midkood afartii kulan ee ugu danbeysay.

Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee Chelsea ay la ciyaaraan Roma tan iyo November 2008, markaasoo ay 3-1 ku lumiyeen Roma ka dib markii Luiz Felipe Scolari.

Group D: Juventus, Barcelona, Olympiakos, Sporting CP

Barcelona ayaa ku guuleysatay Champions League afar jeer 12kii xilli ciyaareed ee u danbeysay. Real Madrid ayaa ah kooxdii kale ee ku guuleysatay in ka badan hal jeer isla mudadaasi (3).

Juventus ayaa laba jeer ku guuleysatay European Cup / Champions League (1985 iyo 1996). Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga badiyay finalkii ugu dambeeyay oo ka badan kooxaha kale (7 ka mid ah 9 ciyaarood).

Group E: Spartak Moscow, Sevilla, Liverpool, Maribor

Kulankii kaliya ee Liverpool ay la ciyaartay Sevilla waxa ay aheyd finalkii 2015/16 Europa League, markii kooxda Jurgen Klopp ay 3-1 looga badiyey Basel.

Reds ayaa la kulmi doonta Spartak Moscow tartamada Group-yada Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2002/03, markaasoo ay ku badiyeen gurigooda 5-0 iyo away (3-1).

Group F: Shakhtar Donetsk, Man City, Napoli, Feyenoord

Kulankii ugu horeeyay ee Manchester City ee Champions League ah waxa ay la ciyaareen Napoli bishii September 2011, barbaro 1-1 ah.

Man City ayaa la kulantay kooxaha Ukraine  xilli ciyaareedkii hore Champions League; waxa ay 3-1 ku garaaceen Dynamo Kyiv 2 ka mid ah labada lug ee wareega 16ka 2015-16.

 

Group G: Monaco, Porto, Besiktas, RB Leipzig

Monaco ayaa gaartay wareega isreebreebka lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay Champions League, oo ay ku jirto finalkii 2004 (0-3 v Porto).

Porto ayaa laga badiyay seddex ka mid ah 18kii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League (W10 D5).

Group H: Real Madrid, Borussia Dortmund, Tottenham, APOEL

Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay labadii kulan ee Champions League ee Real Madrid ay la ciyaartay Tottenham.

Spurs ayaa laga badiyey labadii kulan oo ay la ciyaartay Dortmund kulankii wareega 16ka ee xilli ciyaareedkii 2015-16.