HORDHAC: Celtic Vs PSG kulanka Caawa oo isha lagu hayo bandhiga da’yarka Neymar iyo Mbappe

0
46

Tartanka : Champions League

Kooxda: Celtic Vs PSG

Garoonka : Celtic Stadium , Glasgow.

Saacada: 9:45  Xilliga Geeska Afrika

Kooxda PSG ayaa caawa wajahaysa Kooxda Celtic kulankoodii ugu horeeyey Champions League xilli Ciyaareedka 2017/2018.

PSG ayaa kooxdeeda ku soo xooisay saxiixyo aad u qiimo badan iyadoo rikoodhka aduunka u jabisay Neymar , iyo Kylian Mbappe .

Labadan xidig ee da’yarka ah ayaa Safka Weerarka PSG , hala weerarka afka hore uu ka dheeli doono Edinson Cavani .

Neymar , iyo Kylian  Mbappe ayaa caawa isha lagu hayn doonaa kulankan aadka muhiimka ugu ah furitaanka Champions League .

Celtic v Paris Saint-Germain

Line-Up-ka Macquulka ah ee Kulanka

Celtic: Gordon; Lustig, Bitton, Šimunović, Tierney; Brown, Ntcham; Forrest, Roberts, Sinclair; Griffiths.

Paris: Areola; Dani Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Kurzawa; Rabiot, Verratti, Thiago Motta; Neymar, Mbappé, Cavani.