Xiddiga da’da yar ee kooxda Real Madrid Marco Asensio ayaa ka maqnaan doona kulanka Champions League ee ay la ciyaari doonto Real Madrid.

Xiddiga da,yarka ah ee Marco Asensio ayaa laga dhex waayay 19-ka xiddig ee uu tababare Zidane ka soo xulan doono shaxdiisa Rasmiga ah kulanka Apoel ee champions league.

Wargayska Marca ee ku dhow kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday sababta uu xiddigan reer spain ku seegayo kulankan ay tahay xanuun uu xiddigan dareemay.

Dhakhaatiirta Khaaska ah ee Kooxda ayaa tababaraha kula taliyey in aanu ciyaarsiin kulanka Champions League.