RASMI : ROY Hodgson oo loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Crystal Palace.

0
48

Tababarihii hore ee xulka England Roy Hodgson ayaa loo magacaabay macalinka cusub ee Crystal Palace labo sanno oo heshiis ah.

Hodgson ayaa bedelay Frank de Boer, oo la ceyriyay Isniintii ka dib 77 maalmood iyo shan kulan oo uu macalin u ahaa.

70 jirkaan ayaa ka maqnaa tababarka tan iyo markii uu iska casilay shaqada xulka England ka dib guuldaradii ay kala kulantay Iceland wareegii 16-aad ee tartan Euro 2016.

Waxa Shaqada bilaaban doonaa kulanka Premier League ee ay la leeyihiin Southampton sabtida ee k2a dhici doona garoonka Selhurst Park.