Kooxda Arsenal ayaa caawa ciyaari doonta Kulankoodii u horeeyey ee Europe League ee xili ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Arsenal ayaa go’aan ku gaadhay in uu nasiyo 7 ka mid ah Xidigihiisa ugu muhiimsan ee Arsenal Kulankooda Caawa, Xidigahaasi oo ay ka mid yihiin Petr Cech, Laurent Koscielny, Alexandre Lacazette, Danny Welbeck, Granit Xhaka, Mesut Ozil iyo Aaron Ramsey .

 

 

 

 

 

  Dhamaan Ciyaartoydaasi ayaan ka soo qayb galin Tababarkii ay ugu diyaar garoobayeen Europe League.

Alexis Sanchez ayaa la rajeynayaa inuu kusoo bilowdo.

Dhamaan Xidigaha maqan ayaa waxa bedeli doona qaar ka mid ah da’yarka Kooxda Arsenal oo ay ka mid yihiin Reiss Nelson, iyo Joe Willock .

Wixii war ah kala soco kooratoday.com