FIFA oo soo sartay Qiimeynta Bilaha Xulalka Qaramada Dubada dhanka waliba Ragga, waxaana ay soo saareen dhawr waxyaabood oo ay ugu wayn tahay In Qaranka Jarmalka ay kaalinta kowaad kala wareegtay Qaranka Brazil.

England ayaa salaanka ka sii dhacday taasoo ay musiibo weyn tahay in ay ka sarayso Wales.

Ireland (North) ayaa gaadhay darajadii ugu fiicnayd oo ah 20aad, taasoo ay ku mutaysteen isreeb-reebkii Koobka Aduunka 2018.

Qaramada Germany iyo Brazil marka laga tago  – xulalka Portugal, Argentina iyo Belgium ayaa soo buuxiyay shanta wadan ee ugu sareysa qiimeynta bishaan.

Portugal ayaa sare u kaca ugu weyn sameeyay madama ay sadex darajo horay u kaceen, halka Argentina ay hal darajo hoos u dhaceen madaama aysan wax hormar ah ka sameynin isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America.

Belgium-ka waxey xaqiijiyeen booskooda koobka Aduunka sidaas oo ay tahay afar darajo ayey sare u kaceen iyagoo tiigsaday booska 5-aad.

Kaalinta Ay Somaliya Iyo Jabuuti Ku Jiraan?

Xulka Djibouti waxey fadhiyaan booska 185-aad ee kala sareynta, waxeyna sameeyeen sare u kac weyn madama ay 7-darajo kor u kaceen, waxeyna ka sareeyaan wadamo ay ka mid yahiin Malta iyo Pakistan.

Dhanka kale Somaliya waxey ka mid tahay dhawr dal oo aan wax dhibco ah la siinin, waxeyna si wadajir ah ugu jiraan kaalinta 206-aad oo ah midda ugu dambeysa waxaana ku wehliya: Tonga, Gibralter, Eritrea, Bahamas iyo Anguilla.