Real Madrid oo turtaba gashay Xaalad Dhaawacyo Kadib markii xalay ciyaarta laga saaray daqiiqadii 20 xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic intii lagu guda jiray kulankii Apoel kulan ka tirsanaa champions league.

Xiddigan reer Croatia ayaa raacay saaxiibkii Benzema oo isagu dhaawacmay isla isbuucan.

 Mateo Kovacic ayaa la sheegayaa in uu dhaawac ka soo gaaray muruqa taas oo keentay in uu tababare Zidane xiddigan ku soo bedelay xiddiga reer Germany ee Toni Kroos.

Krooos ayaa badal ku soo galay ciyaarta kaas oo uu tababare Zidane Nasiyay maadama ay kooxda Real Madrid kulamo badan ciyaari doonto maalmaha soo socda.

Real Madrid ayaa gashay Xaalad adag waxaanay taasi keenaysaa in ay kooxdu kacaa kufto  Xili Ciyaareedkan.

 

Wixii warar ah kala soco kooratoday.com