Getafe VS Barcelona: Kooxda Valverde oo raadineysa guushii 4aad oo isku xigta ee La liga .

0
43

Kulanka: Getafe vs Barcelona

Saacadda: 5:15 Galabnimo

Garoonka: Coliseum Alfonso Perez

Barcelona ayaa isha ku heysa inay sii wadato guulaheeda fiican  oo ay ku bilowday xilli ciyaareedka 2017-18 marka ay La Liga booqanayaan galabta kooxda Getafe wareega 4aad ee horyaalka La liga .

Dembele ayaa laga yabaa in uu ku soo bilowdo kulankan iyadoo la rajeynayo in uu bandhig fiican sameyn doono.

WARBIXINTA KULANKA :

Getafe guul kama gaarin Barcelona kulan La Liga ah tan iyo November 2011, inkastoo ay 1-0 guul ah waqtigaas gaareen waxeyna ka heleen goolka Juan Valera kulan ka dhacay gurigooda.

Tan iyo markaas, Barcelona waxey guuleysatay 9-ka mid ah 11-kulan oo ay ciyaareen dhamaan tartamada oo dhan waxaana ku jira 2-0 oo ay kusoo adkaadeen magaalada Madrid intii lagu jiray xilli ciyaareedka 2015-2016.

Kulankii ugu dambeeyay Camp Nou wuxuu dhacay March 2016, markaas oo ay Barcelona lix gool ku xasuuqday

SAFAFKA MACQUULKA EE LABADA KOOXOOD.

Getafe: Guaita; D.Suarez, Dakonam, Cala, Antunes; Fajr, Bergara, Arambarri, N’Diaye; Molina, Jimenez

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Umtiti, Pique, Alba; Busquets, Roberto, Paulinho; Dembele, Suarez, Messi