Kulanka: Liverpool vs Burnley

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Saacadda: 5:00 Galabnimo (Xilliga Geeska Afrika)

Liverool ayaa soo dhaweyneysa Burnley iyadoo dooneysa iney kasoo kabato xasuuqii ay kala soo kulantay Manchester City todobaadkii lasoo dhaafay markaas  oo 5-0 looga badsiyey.

Reds laguma guuleysan in gool looga dhaliyo Anfield afartii kulan ee ugu dambeysay kulamada Premier League, Burnley ayaana laga sugayaa iney qabato shaqo wacan iyadoo la ogyahay iney hal jeer kaliya guuleysatay 23-kii kulan ee ay usoo martisay Liverpool dhamaan tartamada oo dhan.

Wararka Labada kooxood:

Sadio Mane ayeysan suuragal u aheyn inuu ciyaaro kulankaan madama ay u bilaabaneyso sadex kulan oo ganaax ah.

Philipe Coutinho ayaa ku soo bilaaban kara maanta.

Dhinaca kale Nick Pope ayaa kusoo bilaabanaya kulanka galabta dhanka Burnley kusoo bilowdo kadib markii uu dhaawac muddo qaadanaya soo gaaray goolhaye Tim Heaton

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAN :

Liverpool: Mignolet; Alexander-Arnold, Lovren, Matip, Robertson; Can, Henderson, Oxlade-Chamberlain; Salah, Firmino, Coutinho.

Burnley: Pope; Lowton, Tarkowski, Mee, Ward; Gudmundsson, Cork, Hendrick, Brady; Walters, Wood