Wargaysygda ka soo baxa badi Yurub ayaa waxa ay sheeayaan in Kooxaha Premier League ugu waaweyn ee Manchester United iyo Chelsea ay xiisaynayaan saxiixa Weeraryahanka Kooxda Bavaria ee Robert Lewandoski xagaaga soo socda .

arinkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf soo kala dhex galay laacibka reer Poland iyo maamulka kooxda Bayern Munich .

Laacibkan ayaan ku qanacsaneyn siyaasada kooxdiisa ee suuqa kala iibsiga taas oo keentay in ay isku dhacaan kooxda .

Wararku waxay intaa ku dareen in Lewandoski uu xiisaynayo Kooxda Real Madrid ee dalka Spain haddii uu ka dhaqaaqo naadigiisa haatan Bayern .