Kooxda Burnley ayaa mar kale bar-baro ku qabatay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa horyaalka Premier leageu todobaadkiisii 5-aad.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Reds ayaa kulanka ku bilaabatay dar-dar iyaga oo weeraro orod ah ku qaaday kooxda martida u ahayd ee Burnley iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah dhaliyaan.

Kooxda Burnley ayaa dhankeeda difaacanaysay goolkeeda iyaga oo adeegsanayay kubadaha rogaal celiska ah marka ay kubada cagta ku dhigaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Burnley ayaa goolka ku hor martay iyada oo daqiiqadii 27-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Scott Arfield kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Liverpool ayaa weeraro waalan qaaday iyaga oo doonayay in ay goolka bar-baraha keenaan waxana daqiiqadii 30-aad gool qurux badan u dhaliyay Mohamed salah isaga oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1-1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro yihiin laakiin ay kooxda Liverpool maamulka kulanka gacanta ku haysa.

Qaybtii dambe ayay Reds sideedii qaaday weeraro xasaasi ah oo uga dan lahaa in ay dhaliyaan goolka badisaka ama goolal kale si ayn mar kale Anfield bar-baro ugu galin.

Reds ayaa isku dayday in ay goolka badiska dhaliso iyada oo wax walba u samaysay laakiin kooxda Burnley ayaa si fiican u difaacatay una diiday Reds in ay dhaliso gool kale.