Paulinho oo guul cidhiidhi ah ku hogaamiyey kooxdiisa Barcelona .

0
45

 

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul 2-1 ka gaartay naadiga Getafe oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain.

Kooxda Getafe ayaa goolka la horreysay waxaana ay gool cajiib ah uga naxsatay Barca dhammaadkii qeybtii hore 39’daqiiqo waxaana ka dhaliyey Gaku Shibasaki, iyadoo kooxda ka dhisan Camp Nou ay ku guuldarreysatay inay barbareyso goolkaas sidaas ayaana lagu kala nastay Getafe oo 1-0 ku gacan sarreysay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Barcelona ayaa la timid goolka barbaraha waxaana u dhaliyey 62’daqiiqo Denis Suarez, kaddib caawin uu ka helay Sergi Roberto kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Dhammaadkii ciyaarta 84’daqiiqo ciyaartoyga Paulinho ayaa guul ku hoggaamiyey kooxda Barcelona kaddib caawin uu ka helay Lionel Messi, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 ay ku adkaatay Barca.

Barca ayaa 12-dhibcood ku qabatay horyaalka La Ligaha Spain kaddib afar kulan oo ay ciyaartay.