Watford 0-6 Man city kooxda Citizens oo xaaqday Watford , Aguero ayaa saddexley dhaliyey.

0
48

Kooxda Manchester City ayaa sii wadata wacdaraha ay dhigeyso xilli ciyaareedkan iyagoo xasuuq u geystay kooxda Watford oo ay marti u ahaayeen kuwaasoo ay ku xaaqeen 6-0 islamarkaana ay keli ku noqdeen hogaanka horyaalka Premier League ka dib shan kulan oo ay ciyaareen, iyadoo Sergio Aguero uu dhaliyay seddexleey.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid hal dhinac ah, iyadoo Man City ay wax walba u sameyneysay sida ugu saxan, waxaana goolasha furteen daqiiqadii 27aad. Goolka City ayaa yimid ka dib markii Cleverley uu ka badbaaday in calaamad lagu siiyo qalad uu ku galay Stones taasoo keentay in City loo dhigo laad xor ah.

Man city ayaa kali ku noqotay Horyaalka Premier League kahor kulanka brerri ee Man United Vs Everton .