Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 3:30 Galabnimo – (XGA)

Chelsea ayaa soo dhaweyn doonta Arsenal – iyadoo dooneysa iney sii dheereysato rikoorkeeda guulaha ee ay gurigeeda kaga heysato kooxda waqooyiga London – Shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay soo booato galbeedka guuldaro ayey kala laabatay Gunners.

kulanka labada koox ayaa loo yaqaanaa London Derby, waxaana ay yihiin labad ugu xifaaltanka badan magaalada caasimada ah ee London.

Kooxda Antonio Conte ayaa badisay dhamaan afar kulan oo ay ciyaareen tan iyo markii Stamford Bridge guuldarro lama filaan ah kusoo garatay maalintii furitaanka Premier League.

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea ayaa badisay sideed ka mid ah 11kii kulan ee ugu dambeyay Premier League oo ay la ciyaartay kooxda Arsenal.

Blues ayaa badisay shan kulan oo isku xiga oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Gunners, iyadoo celcelis ahaan dhalisay 15 gool.

Guuldarro kasoo gaarta Arsenal maanta kooxda Chelsea ayaa ka dhigan heerkedii ugu xumaa koox ay kaga badin weydo tan iyo 1981 iyo 1988.

Arsenal ayaa hal kulan kaliya shabaqa ilaashatay 18kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ku ciyaaartay garoonka Stamford Bridge.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Kante, Bakayoko, Alonso; Pedro, Morata, Hazard

Arsenal:

Cech; Mustafi, Koscielny, Monreal; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Kolasinac; Sanchez, Ozil, Lacazette