Los Blancos oo lumisay afar dhibcood labadii kulan ee ugu dambeysay horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan ayaa wajaheysa caawa kooxda kaalinta labaad kujirta ee Real Sociedad.

kooxda Sociedad oo ku bilaabatay xaalad 100% ah xilli ciyaareedkaan 2017-18 waxa ay rajeyneysaa in ay ugu yaraan dhibic kaga qaadato Real Madrid Estadio Anoeta.

Zidane wuxuu wajahayaa galabta tijaabo adag, wuxuu ka hor imaanayaa koox sharteeda wadata sidoo kalana wuxuu weynayaa dhawr xidig oo muhiim ah.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Sociedad vs Real Madrid

Tartanka: La Liga (Week 4)

Garoonka: Estadio Anoeta

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

WARBIXIN KU SAABSAN KULANKA:

Real Madrid ayaa guuleysatay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay La Liga la ciyaartay Real Sociedad, waxaana kujirtay 3-0 oo ay kaga badiyeen xilli ciyaareedkii hore.

Sociedad ayaa kaliya dhalisay labo gool shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Los Blancos, laakiin kooxda reer Basque ayaa 4-2 kaga badisay Real Madrid markii ay ku kulmeen Anoeta bishii August 2014.

Sociedad ayaa ku guuleysatay seddex kulan oo xiriir ah horyaalka La Liga markii ugu horeysay tan iyo 2003 ilaa 2004.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Sociedad:

Rulli; Odriozola, Rodrigues, I.Martinez, Llorente; Prieto, Illarramendi, Zurutuza; Juanmi, Willian Jose, Vela

Real Madrid:

 Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Nacho; Modric, Isco, Casemiro; Bale, Asensio, Vazquez