Kulanka: Man United vs Everton

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

Man United ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa kooxda ay ka liidato waqtigaan ee Everton iyadoo dooneysa iney kasoo kabato hakadkii la galiyay todobadkii hore markii ay barbaro 2-2 ah la gashay Stoke City.

Jose Mourinho iyo wiilashiisa si wanaagsan ayey ku bilowdeen horyaalka walow ay haatan fadhiyaan booska labaad ee horyaalka madama ay Manchester City shalay la wareegtay kulankii ay sida xasuuqa ah Vicarage Stadium ugu garaaceen Watford.

Waxa ugu weyn ee loo hadal hayo kulanka maanta waa dib ugu soo laabashada Wayne Rooney ee garoonka Old Trafford – 14-sano kadib ayuu isagoo cadaw ah ka hor imaan doonaa Red Devils waliba garoonka masraxa riyada.

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKA:

Man United: De Gea; Valencia, Bailly, Jones, Darmian; Matic, Fellaini, Mata, Mkhitaryan, Rashford; Lukaku

Everton: Pickford; Keane, Williams, Jagielka; Holgate, Davies, Gueye, Schneiderlin, Baines; Sigurdsson, Rooney