Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa goordhaw isaga hor iman doona kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan kana tirsan horyaalka Premier league todobaadkiisii 5-aad.

Blues oo garoonkeeda lagu ciyaarayo ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ku jirta qaab fiican kadib markii ay guulo xiriir ah gaartay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Gunners ayaa dhankeeda soo galaysa iyada oo isha ku haysa in ay soo gaba-gabayso guulo la,aanta ka haysa garoonka kooxda Chelsea 3-da dhibcoodna ka soo qaadato chlsea.

SHAXDA RASMIGA AH EE KULANKA:

 

Chelsea: Courtois, Moses, Azpilicueta, Luiz, Cahill, Alonso, Kante, Fabregas, Willian, Pedro, Morata.

Kaydka: Caballero, Rudiger, Hazard, Bakayoko, Zappacosta, Batshuayi, Christensen.

Arsenal: Cech, Bellerin, Koscielny, Mustafi, Monreal, Kolasinac, Xhaka, Ramsey, Iwobi, Welbeck, Lacazette.

Kayd: Ospina, Mertesacker, Sanchez, Giroud, Walcott, Maitland-Niles, Elneny.