Wargayska Sport ayaa shaaciyay in ay kooxda Barcelona dhibaato la soo daristay kadib markii la ogaaday dhaawaca saxiixooda Ousmane Dembele kaas oo ku dhaawacmay kulankii Getafe.

Xiddigan ayaa dhaawa muruqa ah uga baxay kulankii Getafe daqiiqadii 24-aad kadib markii uu sii wadan kariwaayay ciyaarta waxana ay wararka hordhaca ah sheegayeen in uu xiddigan garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todobaad ah.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegay in mudada uu xiddigan ka maqnaan doono garoomada ay ka badantahay sidii la filayay iyada oo uu xiddigan garoomada ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah.

Taas ayaa la macno ah in uu xiddigan seegi doono 8 kulan oo ay ku jiraan Atletico Madrid iyo Juventus kulanka 5-aad ee champions league ah.

Hadii uu warkan Run Noqdo waxa ay dhirbaaxo ku noqon doontaa tababare Ernesto Valverde iyo waliba la qabsigii uu da,yarkan la qabasan lahaa kooxdiisa cusub.