Waxaa soo ifbaxday calaamadii ugu horeysay ee muujineysay in Neymar Junior uu doonayo inuu noqdo hogaanka Paris Saint Germain, taasoo ah bilowga mushkilad ka dhex dhalata sadexleyda weerar ee ugu qaalisan dunida.

Cavani iyo Neymar ayaa isku qabsaday rigoore daqiiqadii 79aad ee ciyaarta loo dhigay PSG, ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay murankii uu la galay ninka reer Brazil, inkastoo uu qasaariyay.

Nasiib xumo Edinson Cavani wuu ku guuldareystay inuu rigoorada ansixiyo isla markaana uu hogaanka u dheereeyo kooxdiisa, goolhaye Lopes ayaana si awood leh uga badbaadiyay.

Tababaraha PSG Emery ayaa sheegay inuu doonayo Cavani iyo Neymar in ay go,aan ka gaaraan midka tuuri doona rigoorada kooxda, laakiin haddii go,aan macalinimo loo baahan yahay uu soo kala dhaxgeli doono.

Rigoorooyinka kooxda waxaa masuul ka ah Cavani ama Neymar, “ayuu yiri Emery u sheegay saxafiyiinta kadib markii kooxdiisa 2-0 kaga badisay Lyon

Halkan ka daawo muuqaalka: