Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku xasuuqday kooxda Everton ka dib markii ay 4-0 ku dardareen iyadoo Romelu Lukaku uu shabaqa ka soo taabtay kooxdiisa hore halka Valencia, Mkhitaryan iyo Martial ay iyagana shabaqa soo taabteen.

Kulankaan ayay u aheyd markii ugu horeysay e uu Wayne Rooney ka horyimaado kooxdii uu 13ka sanno u ciyaarayay tan iyo markii uu xagaagii ku laabtay Everton, halka Lukaku uu isna wajahayay kooxdiisii hore markii ugu horeysay tan iyo markii uu lacag qaali ah uga soo wareegay xagaagii.

Halkan ka daawo goolasha.