Kooxda Man city ayaa indho-Indheeyayaal u diray xiddiga aan cagaha ku fadhiyin ee weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

 

 

Wargayska The Sun ayaa sheegtay in indha-indheeyayaasha City aya dirtay ay daawanayeen kulankii ay kooxda Bayern Munich 4/0 ku garaacday kooxda Mainz kulan ka tirsanaa horyaalka Germany xilli uu xiddiga reer Poland dhaliyay laba gool.

Weeraryahankan reer Poland ayaa si cad u dhaleeceeyay siyaasada suuqa kala iibsiga kooxda Bayern Munich kadib markii ay kooxdu la tartami wayday kooxaha reer yurub suuqii dhawaan xirmay.

Tababaraha Pep Guardiola ayaa diyaar u ah in uu ka faa,iidaysto xaalada oo uu xiddigan soo xero galiyo marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.

Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 5 gool 4 kulan oo horyaalka ah un ciyaaray kooxdiisa inkasta oo warar badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa jiraan.

Lewandowski ayaa dagaal dhex dhigi doona kooxaha ugu weyn reer yurub marka suuqa la soo dhigo laakiin City ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddigan iyada oo faa,iidada ku helaysa xiriirka uu xiddigan la leeyahay macalinka reer Spain