Kaliya waxa ay ahayd 25 daqiiqo kadib markii uu Ousmane Dembele helay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowday horyaalka La Liga laakiin xiddigan ayuu ka soo gaaray dhaawac halis ah oo muruqa ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Xiddigan reer Frnace ayaa lagu sawiray isaga oo ku fidhiya kursiga curyaanka una safraya dalka Finland halkaas oo ay ka dhici doonto qaliinka lagu samayn doono xiddigan.

Waxa qaliinka ku samayn doona dhakhtarka caanka ah ee Dr. Sakari Orava maalinta salaasada kadib markii ay kooxdu xaqiijisay maalintii Axadii.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu 20 jirkan ka dhaawacmay muruqa taas oo qaliin u baahan doonta isaga oo sidoo kale garoomada ka maqnaan doona muddo 4 bilood ah.

Waxa Dembele finland u raacay dhakhtarka u khaaska ah kooxda ee Dr. Ricard Pruna kadib markii Axadii la ogaaday in dhaawac xiddigii hore ee Borussia Dortmund ka xun yahay sidii hore.

Waxa markii hore la filayay in dhaawac muruqa ah ay xiddigan garoomada u diidi doonto muddo yar oo hal bil ama wax la mid ah.

Dembele ayaan mar dambe u ciyaari doonin kooxdiisa Barcelona ilaa ugu yaraan bilowga sanaka cusub ee 2018 taas oo la macno ah in uu xiddigan ugu yaraan 4 bilood maqnaan doono.