Kulanka: Barcelona vs Eibar

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 11:00 Habeenimo (XGA)

Blaugrana ayaa ku bilowday si fiican xilli ciyaareedkaan horyaalka La Liga ka dib markii ay badiyeen afartii kulankii ee ugu horeysay.

Kulanka caawa ka dhacaya Camp Nou waxay doonayaan in ay badiyeen ciyaaartoodii shanaad oo xiriir ah La Liga xili ciyaareedkaan.

Barcelona ayaa waji doonta dhibaato kale kadib markii isbuucaan si dirqi ah kaga baxsadeen kooxda Getafe.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona iyo Eibar ayaa is wajahay lix jeer, dhamaantood waxaa guulo gaaray Barcelona.

Balaugrana ayaa dhalisay 20-gool, sidoo kalana 3-gool ayaa laga dhaliyay.

Lionel Messi wuxuu ka dhaliyay sideed gool horyaalka La Liga kooxda Eibar,waa mid kamid ah kooxaha uu ugu jecel yahay.

BARCELONA: Stegen, Semedo, Pique, Mascherano, Alba, Paulinho, Busquets, Iniesta, Messi, Suarez, Deulofeu.

EIBAR: Dmitrovic, Capa, Oliveira, Galvez, Angel, Pena, Escalante, Garcia, Inui, Charles, Enrich.