Hordhac: Leicester City vs Liverpool : Warbixin ku saabsan kulanka Caawa ee Carabao Cup.

0
122

Kulanka: Leicester City vs Liverpool

Tartanka: Carabao Cup

Garoonka: King Power Stadium

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Liverpool ayaa dooneysa iney si fiican ku bilaabato koobka Carabao Cup (Ex-League Cup), iyadoo Jurgen Klopp uu adeegsanayo ciyaartoyda da’da yar iyo kuwa kursiga keydka isagoo ka fakaraya inuu hagaajiyo hanaankiisa Premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa tagtay Finalka iyo Semi-final tartankaan labadii xilli ciyaareed ee u dambeyay, laakiin midna kuma guuleysan.

Klopp ayaa isbedel weyn ku sameyn doona shaxdiisa kulanka caawa ay usafrayaan garoonka King Power Stadium.

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Labada kooxood ayaa hal kulan kaliya ku kulmay League Cup, iyadoo Liverpool ay 4-1 ku garaacday markaas kooxda Leicester ciyaar ka tirsaneyd wareega seddexaad oo dhacday 1987.

Foxes kuma guuleysan iney shabaqeeda ilaashato 12-kii kulan ee ugu dambeeyay tartankaan League Cup, markii ugu dambeysay oo ay shabaqeeda ilaashato tartankaan waxey aheyd Augusst 2012 markaas oo ay 4-0 ku dileen Torquay.

Liverpool ayaa ka gudubtay wareega sadexaad ee tartankaan sadexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, waxeyna laba jeer gaartay semi final-ka, hal jeerna final (2016).

SHAXDA MACQUULKA AH:

Leicester City: Hamer; Amartey, Dragovic, Maguire, Chilwell; Musa, King, Iborra, Gray; Iheanacho, Slimani.

Liverpool: Ward; Alexander-Arnold, Gomez, Lovren, Moreno; Grujic, Henderson, Wijnaldum; Oxlade-Chamberlain, Solanke, Woodburn.