RASMI : Difaaci hore ee Man Utd Rio Ferdinand oo ku biiray ciyaaraha Feedhka.

0
23

Rio Ferdinand ciyaartoygii hore ee Man Utd  ayaa xirfad cusub oo dhanka feerka ah bilaabaya kadib markii laba sano ka hor uu ka fariistay kubada cagta.

38 jirkaan ayaa u dhaqaaqay ciyaaraha feerka, isagoo ku biiray shirkadda lagu magcaabo Betfair, taasoo ku dhawaaqday maanta oo Talaadado ah heshiiska Rio Ferdinand.

Daafacii hore ee Manchester United iyo xulka England Ferdinand wuxuu fallanqeeye kubada cagta ah ka yahay hada TV-ga BT Sports.

“Tani waxaan u qaatay jaceyl weyn oo aan u qabo xirfada ciyaaraha feerka,” ayuu yiri Rio Ferdinand.

“Waxaan ku guuleystay koobab, hada waxaan doonayaa in suunka dahabka ah ee ciyaaraha feerka aan ku guuleysto ayuu saxaafada u sheegay Rio Ferdinand.

Waxa uu soo dhigay dhowr fiidiyow bilihii ugu dambeeyay bartiisa bulshada, isagoo tusaya taageerayaashiisa farsamada uu ka helay xirfada cusub ee feerka.

Ferdinand oo lix jeer ku guuleystay Premier League, waxa uu raacay wadada xiddigii khadka dhexe ee Birmingham City Curtis Woodhouse iyo weeraryahankii hore ee Crystal Palace Leon McKenzie, kuwaasoo noqday ciyaaryahanno ku biiray xirfada feerka ka dib markii ay ka fariisteen kubadda cagta.