Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee Sergej Milinković-Savić ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha reer Manchester ee Man United iyo Man city ay isku baacsanayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lazio.

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ugu fiican horyaalka Italy iyo waliba kooxdiisa isaga oo 18-kii bilood ee ugu dambeeyay dhaliyay 7 gool oo horyaalka ah.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Mateja Kežman oo ah wakiilka xiddigan 22 jirka ah ayaa yiri”Waxa jiray xiiso ay kooxo badan u qabaan saxiixa Sergej Milinković-Savić oo ay ka mid yihiin kooxaha reer Manchester Real Madrid iyo Ac Milan”.

 “Laakiin waxa uu doonayaa in uu faraxsanaado oo uu sii wado ciyaarta si uu uga mid noqdo xiddigaha ugu fiican booskiisa”

“Way adagtahay in uu ka tago kooxda Lazio kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkan laakiin meesha kamuu saarin in uu ka tago kooxda”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in xiddigan dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Spain si weyn loola xiriirinayay kooxda Liverpool suuqii xagaaga.