Kadib dhacadadii muranka badan dhalisay ee u dhexaysay xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Edinson Cavani iyo Neymar Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sheegay in ay Real Madrid sii kala cadayso xiddigaha laagi doona rikoorada iyo waliba koorneyaasha ka hor inta ayna xiddiguhu garoonka galin.

Si kasta ha ahaatee tababaraha reer France ayaa iska fogeeyay in uu si dhex galo muranka ka dhex taagan kooxda Paris Saint Germain.

Waxa aanu isku diyaarinaa kulamada waxana aanu ognahay xiddigaha laaganaya rikoorada iyo waliba koornayaasha”ayuu zidane yiri.

“Laakiin ma doonayo in aan ka hadlo PSG anigu kaliya waxa aan ka war-warayaa kooxdayda”

Murankii ka dhex dhacay xiddigaha isku kooxda ah ee PSG ayaa gaaray in labada xiddig si dirqi ah loogu kala qabto markii la galay qolka labiska ciyaarta kadib.