Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dhigiisa Pep Guardiola kaga adkaado saxiixa weeraryahanka aan wali heshiiska kordhin ee Arsenal Alexis Sanchez sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Macalinka Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaarsaday aduun dhan 25 Malyan oo Pound si uu u helo xidiga reer Chile kaas oo xagaaga soo aadan si xor ah uga tagi kara Gunners.

Alexis Sanchez ayaan wax heshiis hordhac ah u saxiixi karin Man United tan iyo sanadka cusub markaas oo ay u furan tahay inuu koox walba heshiis la galo, balse meesha kama marna in labada kooxood ay dhibaato dhex taalo dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ah.

The Sun ayaa qireysa in heshiiskaan uu dhici karo bisha January, Alexis Sanchez ayaana laga yabaa inuu noqdo xidigii labaad ee ka taga Arsenal kuna biira Manchester Unite tan iyo sanadkii 2012 markaas oo Robin Van Persie uu Alex Ferguson kula midoobay Old Trafford.