Tababaraha Kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa rumaysan in 6 kooxood awood u leeyihiin ku guulaysiga horyaalka Premier league xilli ciyaareedkan.

Conte ayaa diidayn in uu ogolaaday natiijada salaanka kala saraynta horyaalka ee bilowga xilli ciyaareedkan taas oo haatan u dhexeeya kooxaha Laba manchester.

“Waxa aad si fiican u ogtahay England waxa jira 6 koxoood oo ku tartamaya hanshada horyaalka”ayuu Antonio Conte yiri.

“Kooxaha reer Manchester ayaa ka mid ah 6-da kooxood ee u tartamaya hanashada horyaalka waa iska caadi”.

“Waa iska caadi in United iyo City ay ku tartamaaan hanshada horyaalka, fikradayda kubadeed ayaa ah in ay kooxdu isku tiirsanaato markaas la tartanto kooxaha kale”.

“Horyaalka wali waa bilow lamana oran karo waxa uu ka dhexeeyaa laba kooxood laakiin aanu sugno waxa dhacay”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.