Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa aad u xamasad badan iyadoo kooxaha ugu waaweyn Yurub ay isku hirdinayaan ciyaartoyga ugu fiican dunida .

Halkan ayaa idinku soo gudbin doona wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga maanta oo khamiis ah:

Paris Saint Germain ayaa usoo bandhigeysa dhigeeda Real Madrid Edinson Cavani kadib markii 30-jirkaan ay isku dhaceen Neymar Junior oo 25-jir ah. (Sport)

Kabtanka Belgium-ka Eden Hazard kaas oo 26-jir ah ayaa meesha ka saaray inuu lacago badan ugu dhaqaaqayo Paris Saint germain. (SFR Sport).

Chelsea iyo Everton ayaa dagaal adag u gali doona saxiixa Edinson Cavani, balse waxey tartan adag kala kulmi karaan kooxdisii hore Napoli. (Mail)

Manchester City ayaa isku dayi doonta iney Raheem Sterling oo 22-jir ah ka qeyb galiso heshiiska ay ku dooneyso 28-jirka Arsenal Alexis Sanchez bisha January. (Mirro).

Liverpool ayaa isku dayi doonta iney lasoo saxiixato 28-jirka Bayern Munich Thomas Muller kaas oo 28-jirah si uu badal ugu noqdo Philippe Coutinho. (Bild).

 

Man United & Arsenal ayaa isha ku haya saxiixa xidiga khadka dhexe Schalke 04 Leon Goretzka, balse 22-jirkaan kaliya wuxuu doonayaa inuu ku biiro Barcelona ama Bayern. (Bild).

Tottenham Hotspur iyo Liverpool ayaa si wadajir ah u doonaya xidiga khadka dhexe Werder Bremen David Philipp. (Sky Duetschland)