DEG-DEG: Everton Vs Chelsea Iyo Isku Aadka Wareega Afraad Ee Carabao Cupka Oo La Soo Saaray Iyo Kulamadan Waqtiga La Ciyaari Doono

0
87

Waxaa si rasmi ah loo sameeyay wareega 4-aad tartanka Carabao Cup kadib markii 16-naadi ay koobkan isugu soo hareen.

Kulanka ugu adag wuxuu ka dhici doonaa Stamford Bridge wareega 4-aad koobkan madaama kooxaha Chelsea iyo Everton qoorta la isku galiyay.

Kooxda Man United oo Carabao Cup difaacaneyso waxaa lagu aadiyay naadiga Swansea City wareega 4-aad kulan ka dhici doono Liberty Stadium.

Kulamada wareega afraad ee Carabao Cupka waxaa la ciyaari doonaa usbuuca ka bilaamaya October 23 markaas oo ay kooxaha hadda isku aadka loo sameeyay ay kulamadan iskaga hor iman doonaan, waana marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah isla markaana la ciyaaro kulamo Premier leaque ah.

Fadlan hoos kaga bogo sida ay isugu aadeen 16-ka naadi ee usugu soo hartay wareega 4-aad Carabao Cup:

Tottenham Hotspur v West Ham United

Bristol City v Crystal Palace

Swansea City v Manchester United

Arsenal v Norwich City

Chelsea v Everton

Manchester City v Wolves

Leicester v Leeds

Bournemouth v Middlesbrough