Kooxaha Man United iyo Man City ayaa si rasmi ah wareega 4-aad tartanka Carabao Cup ugu gudbeen kadib markii guulo kala duwan ay gaareen.

Man United ayaa 4-1 kabaha la dul martay naadiga iska yar Burton Albion, waxaana kulankaan labo gool dhaliyay Marcus Rashford daqiiqadaha 5-aad iyo 17-aad.

Sidoo kalena Jese Lingard ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 36-aad halka Anthony Martial isagana uu cayaarta ka dhigay 4-0 daqiiqadii 60-aad.

Man United macalinkeeda Mourinho wuxuu ku farxay sida ay xidigahiisa isku xil qaameen asigoo inta badan fariisiyay cayaartooyda uu shaxdiisa joogtada ah u adeegsado.

Dhinaca kale Pep Guardiola kooxdiisa Man City kulan dhib badan oo ay safar ahaayeen waxay 2-1 guusha kaga soo qaateen naadiga West Brom.

Leroy Sane ayaa labada gool Man City u dhaliyay wuxuuna goolka kowaad bilaabay daqiiqadii 3-aad, laakiin Yacob ayaa City cayaarta ku adkeeyay markii uu 1-1 ka dhigay daqiiqadii 72-aad.

Sane ayaa goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 77-aad kubad uu caawinaad ka geestay Bernardo Silva.

Macalin Guardiola kooxdiisa 2-1 ayay guusha ku qaateen waxayna iska xaadiriyeen wareega 4-aad Carabao Cup oo ay kooxaha waa weyn u gudbeen marka laga reebo Liverpool waxaana loo qori tuuri doonaa wareega 4-aad ayadoo ay goobta wada joogaan City, United, Chelsea, Arsenal, Tottenham iyo Everton.