Waxa Real Madrid soo gaartay ceeb weyn kadib markii ay arkeen in goolasha uu dhaliyay xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu la goolal yahay goolasha ay dhalisay kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Kadib markii ay ku fashilmeen in ay jabiyaan rikoorka kulamada ugu badan ee goolal la dhaliyo Kooxda Real Madrid ayaa ilaa haatan dhalisay 9 gool oo horyaalka ah 5 kulan oo ay ciyaartay.

Real Madrid ayaa mid 3 gool ka dhalisay kooxaha Deportivo La Coruna and Real Sociedad halka ay laba gool ka dhalisay kooxda Valencia iyo hal gool oo ay ka dhalisay Levante.

 Dhinaca kale kooxda Blaugrana ayaa dhalisay 17 gool dhamaan 5-ta kulan oo ay ugu dambaysay 6/1 ay kaga badisay kooxda Eibar xilli uu Messi dhaliyay goolasha ugu badan horyaalka isaga oo dhaliyay 9 gool

Messi ayaa saddexley ka dhaliyay kooxda Espanyol halka uu 4 gool oo kale ka dhaliyay kooxda Eibar halka uu laba gool oo kale ka dhaliyay kooxda Alaves.

 

WIXII