Real Madrid ayaa guuldaro wadno xanuun ah waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaartii Bernabeu kala kulantay kooxda Real Betis, waxaana daqiiqadii 94 aad goolka guusha u dhaliyay  Sanabria. Real Madrid ayaa ku sii jirta guul la’antii ay Santiago Bernabeu ugu soo jirtay laakiin markan Real Betis ayaa saddexda dhibcood ku qaadatay Bernabeu xili Los Blancos ayna wax guul ah soo gaadhin saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Bernabeu ku soo ciyaartay horyaalka La Liga.

Antonio Sanabria ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee Real Betis ah ee goolka guusha Santiago Bernabeu kooxdiisa ugu dhaliyay kulan horyaalka ah tan iyo  Finidi George kaas oo sidan oo kale sameeyay October 1998kii. Real Madrid ayaa shan kulan oo ay soo ciyaartay lumisay 7 dhibcood waxayna haddaba arkaysaa Barcelona oo ka sii fogaanaysa iyada oo Los Blancos ah kooxda koobka La Liga difaacanaysa.

ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Real Betis guuldaro ku baday Los Blancos oo joogta Santiago Bernabeu laakiin walwalka ugu wayn ee Zidane ayaa ah in kooxdiisu ayna wax guul ah oo La Liga ah soo gaadhin saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Bernabeu ku ciyaartay.