Taageerayaasha Barcelona Oo Ka Maadsaday Kooxda Real Madrid Iyo Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Noqday Sidee?

0
146

Kooxda Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guulaysatay La Liga iyo Champions league halka ay kooxda Barcelona xilli ciyaareedkeeda ku badbaadisay Copa del Rey.

Barcelona ayaa kadib aragtay bixitaankii lama filaanka ahaa ee Neymar oo ku biiray kooxda PSG xilli ay badalkiisa la soo saxiixatay Ousmane Dembele.

Laakiin Ousmane Dembele ayaa dhaawac looga saaray kulankiisii ugu horeeyay ee uu La Liga ku soo bilowday isaga oo garoomada ka maqnaan doona.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay si fiican iyada oo badisay 5-tii kulan ee ugu horeeyay iyaga oo dhaliyay 17 gool iyaga oo kaliya laga dhaliyay laba gool.

Taageerayaasha Kooxda Barcelona ayaa Twitter-ka uga maadsaday kooxda Real Madrid iyaga oo waliba isticmaalaya dabaal degii Cristiano Ronaldo ee kulankii Super cup-ka Spain.

Taageerahana ayaa ku soo qoray Twitter-kiisa Waa Maxay Booska ay Real Madrid kaga Jirto La Liga imisa dhibcood ayay ka dambaysaa Barca?

Taageerahan ayaa isna soo qoray R-O-N-A-L-D-O(waa 7 Xaraf) Number-ka Maaliyada-7  Booska ay Real Madrid ku jirto-7