Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa la soo warinayaa inay isku haystaan saxiixa 22-sano jir aad looga qiimeeyo horyaalka dalka Jarmalka.

Waxa ay Man United iyo Gunners indhaha ku hayaan inay la soo saxiixdaan laacibka khadka dhexe ee kooxda Schalke Leon Goretzka.

Wargeyska Bild ee kasoo baxa dalka Jarmalka waxa uu aaminsan yahay in kooxaha Manchester United iyo Arsenal ay midkooda ku guuleysan karto saxiixa da’yarkan Leon Goretzka.

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Jarmalka ayaa ku dhow inuu heshiiskiisa haatan ee kooxda uu ka dhaco xagaaga soo aaddan, waxaana labada kooxood ee ka dhisan horyaalka Premier League ay doonayaan inay ku tartamaan saxiixiisa.

22-sano jirkaan khadka dhexe ka ciyaara ayaa sidoo kale waxa uu soo jiitay xiisaha kooxaha waa weyn ee Bayern Munich oo ka dhisan dalka Jarmalka iyo Barcelona oo dalka Spain ah.