Kooxda Man city ayaa lagu soo waramayaa in ay ka cabsi qabto in ay Paris Saint-Germain ku garaacdo saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer chile ayuu heshiiskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu haatan kooxda uu doono la hadli karaa marka la gaaro suuqa january.

Wargayska The Sun ayaa sheegaysa in ay PSG diyaar ula tahay Alexis Mushahar ka badan 275 kun oo Gini oo todobaadkii ah waana mushahar.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda PSG isku diyaarinayso in ay iska iibiso Edison Cavani si ay booska ugu baneeyaan Alexis Sanchez.

Sanchez ayaa PSG wadahadalo la qaatay laakiin xiddigan ayaa dalabaday mushahar dhan 400 oo kun todobaadkii taas oo kooxda reer Frnace sabab u noqotay in ay isaga harto baacsigiisa.

City ayaa dhanka kale diyaarinaysa dalab cusub oo ay ku dalbanayo xiddigan kaas oo dhan 20 milyan oo euro marka la gaaro suuqa Janaury.