Man United Oo Daawadayaal U Dirtay Badalka Luke Shaw kooxdee ayuu u ciyaraa?

0
61

Man United ayaa indha-indheeyayaal u dirtay xiddig daafaca uga ciyaara kooxda Celtic ee Kieran Tierney xilli ay isha ku hayso in ay u dhaqaaqdo adeegiisa suuqa January ama xagaaga dambe.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United daafacan bidix daawatay kulankii ay kooxdiisa Celtic guusha 4/0 ah ka gaartay kooxda Dundee.

Khabiirka BBC-da ee Alan Stubbs ayaa taageerayaasha ku aray rag Man United ka socda oo daawanayay ciyaartii ay 4 ku badisay kooxdda Celtic.

United ayaa sidoo kale xiddigan daawatay kulankii champions league ee ay kooxda Paris Saint-Germain guusha weyn ka gaartay kooxda Celtic.

Jose Mourinho ayaa 20 jirknan reer Scotland u arka xiddiga ugu haboon ee badalka u noqon kara xiddiga uu dhaawacu dishooday ee Luke Shaw.