Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa go`aansaday in xiddigiisa Neymar ka fogeeyo liiska uu uga hor tagayo kooxda Montpellier ee horyaalka France ee berito dhacaya.

Tutto Mercato ayaa sheegeysa in sababta Neymar kulankaas looga fogeeyay ay tahay isaga oo ka sheeganaya dhaawac fudud oo cagta ka gaaray sidaa darereedna macalinka uu ka baqay in ay sii xoogeysato.

Tababarahaan ayaa go`aansaday in laacibkaas nasiino siiyo ka hor kulanka arbacada ee Bayern Munich ee wareegga Group-yada Champion-ka

Neymar oo xagaagaan PSG u wareegay ayaa si weyn ula qabsaday durba waxa uuna soo bandhigayaa heer ciyaareed wacan oo ay u sii dheer tahay dhanka gool dhalinta