Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zidane ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos seegi doono kulanka Alves ee sabtida kana tirsan todobaadka 6-aad ee horyaalka La Liga isaga oo ku seegi doona dhaawc feedhaha ah.

 

Xiddiga reer Germany ayaa seegay tababarkii kooxda Real Madrid ee maanta isaga oo qaadanayay dawayn la xiriira dhaawaciisa taas oo keentay in aanu tababar la qaadan xiddigaha intooda kale

Kroos ayaa seegay kulankii Real Sociedad ee Axadii hore halka uu ku soo laabtay kulankii bartamaha todobaadka ee ay Kooxda Real Madrid guuldaradu ka soo gaartay kooxda Real Betis.

Tababare Zidane oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulanka Alaves ayaa yiri”Toni Kroos waxa ku soo laabtay xanuunkii uu ka dareemayay feedhaha sidaa darteed kama qayb qaadan doono kulanka Alvaes”.

“Ma doonayo in aanu khatar galino laakiin waxa aan rajaynayaa in uu diyaar u ahaa kulanka champions league ee Borussia Dortmund”ayuu sii raaciyay