Waxa la soo afjaray todobaadkii 5-aad ee horyaalka La Liga xilli ay kooxda Real Madrid la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa dhankeeda sii wadatay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyada oo 6/1 ku khaarajisay kooxda Eibar.

Shabada caalamiga ah ee whoscored ayaa soo saartay xiddigaha soo bandhigay qaab ciyaareedka quruxda badan todobaadkan iyaga oo ka samaysay shaxdii ugu fiicnayd todobaadka.

Kooxda Valencia oo iyaduna guul weyn ka gaartay kooxda Malaga ayaa shaxda ku lahayd 4 xiddig halka kooxda Barcelona ku lahayd laba xiddig.

Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona Paulinho oo si cajiib ah ku bilowday noloshiisa Barcelona oo gool dhaliyay kulankii 2-aad oo xiriir ah ayaa ka mid ahaa xiddigaha ka dhex muuqday shaxda ugu fiican todobaadkan.

Halkan hoose kaga bogo shaxdii ugu fiicnayd todobaadkan horyaalka La Liga iyo waliba qiimayntooda: