Ciyaartoyda Manchester United ayaa u duulay Southampton ka hor kulankooda garoonka St Mary’s ee Sabtida.

Kooxda Red Devils ayaa haatan hogaanka Premier League la heysa Manchester City, waxaana ay rajeynayaan inay gaaraan guushoodii afaraad ee isku xigta ka dib markii ay soo garaaceen Burton Albion, Everton iyo Basel seddexdii kulan ee ugu danbeysay.

Jose Mourinho iyo ciyaartoydiisa ayaa lagu sawiray iyagoo diyaarad qaas ah ka qaadanaya garoonka diyaaradaha Manchester galabnimadii maanta ka hor inta aysan duulimaad gaaban ku tagin koonfurta England.

Dhanka kale, Jose Mourinho ayaa la dhacay habdhaqanka Anthony Martial iyadoo weeraryahanka Manchester United uu sarre u qaaday qaab ciyaareedkiisa.